Latest News

Soomaaliya Oo Ku Eedeysay Kenya Inay Faro Galin Siyaasadeed Iyo Mid Amni Ku Hayso Dalkeeda

Muqdisho, Jan-5, 2020 (Haatuf) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka xuntahay faragelinta siyaasadeed iyo mid amni oo ay ka wado dowladda Kenya gudaha Soomaallya, taasoo aan u wanaagsanayn xidhiidhka labada dal iyo labada shacab ee Walaalaha iyo deriska ah. iyo xal u helida mushkiladaha gobolka ee ay kamid tahay la dagaalanka  Argagixisada.

War-saxafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada Kenya ee Soomaaliya ku jooga magaca Amisom iyo midowga Afrika ay sameeyeen farogalin siyaasadeed iyo khalkhal galin amniga oo gudaha ah.
“Sida ay qabaan xeerarka caalamiga ah oo ay ku jiraan kuwa Golaha Amniga iyo African Union ee Ciidamada AMISOM ku joogaan dalka Soomaaliya, waa in aan Dawladda Kenya u adeegsan Cildamadeeda ku jooga Soomaaliya magaca dalada AMISOM  faragelinta arimaha siyaasada gudaha iyo khalkhal-gelinta amniga gudaha ee Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.
DFS waxay hadalkeeda ku dartay in mar waliba raadinaysaa daris wanaag, ixtiraam iyo nabad ku wada noolaasho, ayna aqbali doonin faraglin iyo khalkhal abuuris, taasoo aysan ku Jirin maslaxada gobolka iyo nolosha shucuubta dagta.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial