Latest News

Soomaaliya Oo Laga Helay 29 Kiis Oo Cusub Oo Coronavirus Ah

Muqdisho, April 19, 2020 (Haatuf) – Wasaaradda Caafimaadka  Soomaaliya ayaa soo saartay warbixintii maalinlaha aheyd ee ku saabsaneyd xaaladda COVID-19 ee dalka Soomaaliya.

Maanta oo keliya ayaa waxey wasaaraddu sheegtay in laga helay 29 qof oo bukaanka Coronavirus ah, kadib baadhitaanno lagu sameeyay.

Dadka laga helay ayaa waxey kala yihiin 21 rag iyo 8 dumar ah sida ku cad diiwaanka wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, halka isu-geyn wadarta guud ay tahay dadka xanuunkan qaaday 164 ruux, sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in mid kamid ah bukaannadii xanuunkaan qaaday uu ka bogsaday.

Lama soo werin guud ahaan maanta cid xanuunkaasi ugu geeriyootay dalka Soomaaliya, balse horay waxaa ugu geeriyooday 7 ruux.

Soomaaliya waxey kamid tahay dalalka ku yaalla bariga Afrika ee uu saameeyay cudurka Coronavirus.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*