Latest News

Sucuudiga Iyo Qatar Oo Kala Saxeexday Heshiis Lagu Soo Afjarayo Khilaafkii Kala Irdheeyey

Riyad, January 5, 2021 (Haatufonline) – Hogaamiyaasha wadaada khaliijka ayaa kulan ay ku yeesheen dalka Sucuudi Carabiya ku kala saxeexday heshiis lagu sii adkaynayo “midnimo iyo xasilooni”.

Masuuliyiintan dalalkan oo iskugu yimid shir sanadeedkoodii Salaasada maanta ayaa horumar ka gaadhay khilaafkii mudada dheer soo jiitamayay ee u dhexeeya xulufada Sucuudiga iyo Qatar.

Sacuudi Carabiya ayaa Isniintii ku dhawaaqday in dib loo furayo xuduudaha dhulka ee ay la wadaagaan Qatar kadib seddex sano iyo badh kadib markii xulafáda boqortooyada, ee Masar, Isutagga Imaaraatka Carabta iyo Baxrayn ay u jareen Qatar xidhiidhkii diblomaasiyadeed iyo kii ganacsi ayna ku soo rogaan dhul, bad iyo cir xannibaadda saaran waddamada Khaliijka.

Afartan dal ayaa ku eedeeyey Doha, arimo ay ka mid yihiin, taageerida kooxaha argagixisada iyo inay aad ugu dhowdahay Iran, eedeymaha ay Qatar si joogto ah u beeniso.

 In kasta oo go’aanka Sucuudigu astaan weyn u yahay xallinta xiisadda Khaliijka, haddana waddada loo marayo dib-u-heshiisiin buuxda ayaa ka fog damaanadda. Khilaafka u dhexeeya Abu Dhabi iyo Doha ayaa ahaa kii ugu qotada dheeraa, iyadoo Imaaraatka iyo Qadar ay aad isugu khilaafsan yihiin xagga fikirka.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*