Latest News

Sucuudiga Oo Duqeeyey Sanca Kadib Weerarkii Khasaaraha Badan Dhaliyey Ee Madaarka Cadan Ka Dhacay

Sanca, December 31, 2020 (Haatufonline) – Wararka ka imanaya dalka Yemen ayaa sheegaya in xulafada uu hoggaamiyo dalka Sucuudigu inay weerar dhinaca cirka ah ay ku qaadeen magaalada Sanca, saacado ka dib markii qarax lala beegsaday madaarka ugu weyn koonfúrta ee Cadan, kaas oo ay ku dhinteen 26 qof.

Weerarka xulafáda Succuudigu Qaaday ayaa xili habeenimo ah oo xalay ahayd, kaas oo lagu duqeeyey madaarka caalamiga ah ee Sanca, iyo laba degmo oo xuutiyiintu degan yihiin oo la kala yidhaa Rima Hamid oo ka tirsan Sanca iyo Wadi Rajam oo ka tirtsan Bani Hashish sida uu ku waramay Telefishanka Xuutiyiinta ee Al Masirah Tv.

Hase yeeshee ilaa iyo hadda lama soo sheegin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi xulafada Sucuudigu kaga jawaabaysay weerarkii shalay ka dhacay Cadan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*