Latest News

Sudaan Oo Heegan Buuxa Galisay Ciidamadeeda Ku Sugan Xadka Ay Itoobiya Wadaagaan Kadib Markii La Dareemay Dhaqdhaqaaq Ciidan Oo Xooggan Iyo Diyaargarow Weerar Oo Ka Jira Dhinaca Kale

Qadaarif,bariga Sudaan,December 30,2020(Haatufonline)- Ciidamada dhulka iyo cirkaba ee dalka Sudaan ku sugan xadka u dhaxeeya dalka Itoobiya ayaa 48 saacadood ee u dambeeyey la gali heegan buuxa ka dib markii ay Sudaantu dareemeen dhaqdhaaqyo ciidan oo xooggan iyo diyaargarow weerar oo ka jira dhinaca Itoobiyaanka.

Ciidamada Sudaan ayaa todobaadyadi u dambeeyey kusii siqayey deegaanka lagu magacaabo Fashqa oo ah dhul beereed baaxadisu weyntahay oo ay mudo 25 sanadood xoog ku haysteen beeralay Itoobiyaan ah oo kasoo jeeda gobolka Amxaarada.Sida uu dhawaan sheegay wssiirka warfaafinta Sudaan Faysal Maxamed Saalax waxa ilaa hadda ay ciidamada Sudaan dib u qabsadeen inta u dhaxaysa 60% iyo 70% deegaanka Fashqa oo ah dhul biyo leh ciidisuna nafaqo leedahay oo ku fiican qodaalka iyo saraca beeraha.

Dagaalada Sudaanta iyo Itoobiyaanka ku dhex marayey Fashqa ilaa horaanti bishan ayaa dawladda Itoobiya ilaa hadda ku tilmaamaysay qaar u dhaxeeya maleeshiyo Itoobiyaan ah iyo ciidamada dawladda Sudaan.Hasayeeshe warar ay tibaaxeen sirdoonka ciidamada Sudaan waxay ku sheegeen in markii ay u kuurgaleen dagaaladi u dambeeyey ee labada dhinac dhexmaray iyo qaabkii ay Itoobiyaanku u habaysnaayeen iyo siday u hubaysnaayeen iyo waliba tababarkoodu tayada u lahaa ayrun ahaanti ahaayeen ciidan milateri oo rasmi ah.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*