Latest News

Sudan: Cumar Xasan al-Bashir Oo Xukun Laba Sano Ah Lagu Riday

Khartoum, (Haatuf) – Madaxweynihii hore ee dalka Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa lagu xukumay laba sanadood oo xadhig ah kadib markii lagu eedeeyey musuqmaasuq iyo lacago uu si khaldan u isticmaaay.

Cumar Xasan Al-bashiir ayaa dalka Sudan xukumayey mudo ku dhow sodon sanadood.

Waxaanay Maxkamadd ku taala Caasimada Khartoum ay maanta oo sabti ah ku dhawaaqday xukunka Al-Bashiir, kaas oo xukunka laga tuuray bishii April ee sanadkan kadib markii ay dalkaasi ka dhaceen dibadbaxayo dalka oo dhan ku faafay oo socday mudo shan bilood ah.

“Maxkamadu waxa ay ku heshay Cumar Xasan Al-bashiir Dambi,’ sidaasi waxa yidhi Xaakim Al-Sadiq Cabdirahman, waxaanu intaasi ku daray “Maxkamadu waxay go’aansatay inay u dirto Xarunta Dhaqan-Celin Bulshada oo halkaasi lagu hayo muddo laba sanadood ah,” ayuu yidhi Xaakimka Maxkamada Khartoum.

Xaakimka Xukumay Madaxweynihii hore ee dalka Sudan ayaa ku macneeyey sababta xarunta dhaqan celinta loogu haynayo Cumar Xasan Al-bashiir, “Sharcigu sida uu qabo, kuwa gaadha da’da 70 jirka waa in aanay wakhtiga xadhiga aanay jeelka ku qaadan,” ayuu yidhi Xaakimku. Madaxweynihii hore ee dalka Sudan, Cumar Xasan Al-bashiir ayay da’diisu tahay 75 jir.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*