Latest News

Sudan Iyo Masar Oo Kulan Ka Yeeshay Biyo-Xidheenka Ethiopia Iyo Xoghayaha QM Oo Baaq U Diray

Khartoum, May 20, 2020 (Haatuf) – Dalalka Sudan Iyo Masar
ayaa sii wada wadahadalada ku saabsan Mashruuca Biyo-xidheenka Ethiopia, sida
uu sheegay Golaha Wasiirada dalka Sudan.

Kuwaas oo war-saxaafadeed ay soo saareen kulankaasi oo ay
ka qaybgaleen Raysal Wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok iyo dhigiisa dalka Masar
Mustafa Madbouli oo ay weheliyaan Wasiirada arimaha dibada, Beeraha iyo Bihaha
iyo Hoggaanka Sirdoonka labada dal.

 “Kulankan ayaa
Raysal Wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok iyo Dhigiisa dalka Masar Mustafa Madbouli
ay ku falanqeeyeen habka hore loogu sii wadi karo wadahadalada ku saabsan
Biyo-xidheenka Wabiga Nile, ee saddexda dal sida ugu dhakhsaha badan,” ayuu
lagu yidhi War-saxaafadeedka ay kulankaasi ka soo saareen dalalka Sudan iyo
Masar.

Waxaana sidoo kale kulankaasi hoosta lagaga xariiqay in
dedaalada dhexdhexaadinta u sii wado Raysal Wasaaraha Sudan isla markaana uu
isku soo dhaweyn lahaa dalalka Masar iyo Ethiopia, iyadoo la sii wadayo kulano
saddex geesood ah oo ay yeeshaan saddexda dal.

Raysal Wasaaraha Sudan ayaa loo asteeyey in kulanka ka dib uu Telefoonka kula hadlo Raysal Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed to si uu ugala tashado isaga sidii loo sii wadi lahaa kulanada saddex geesoodka ah sida ugu dhakhsaha badan ee uguna suurtagalsan, ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Dhinaca kale Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Antonio
Guterres ayaa Ugu Baaqay Masar, Ethiopia Iyo Sudan Inay Sii Wadaan Wadahadalada
Lagu Doonayo Inay Heshiis Ka Gaadhan Biyo-Xidheenka Ethiopia, iyo dedaalada
meesha lagaga saarayo farqiga u dhexeeya.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial