Latest News

SUDAN Oo Itoobiya ku Eedaysay Inay Hub Iyo Rasaas Ku Taakulaysay Jabhadda U Hoggaamiyo Joseph Touka Ee Ka Dagaalanta Gobolka Blue Nile

Khartoum,March 7,2021(Haatufonline)-Saraakiil ka tirsan ciidanka Sudan ayaa sheegay in dawladda Itoobiya ay hub iyo rasaasba usoo gudbisay jabahadda u hogaamiyo Joseph Touka ee ka dagaalanta gobolka Blue Nile ee dalka Sudan kaga yaala dhinaca koonfurta Sudan waxay sheegeen in hubkaa iyo taakulayntaasi ay 27 February soo gaadhay meesha la yidhaahdo Yaabuus halkaas oo ay ku sugayeen Joseph Touka iyo saraakiil ka tirsan ciidankiisa.
Dhinaca kale ilo ku dhawdhaw taliyeyaasha ciidamada Sudan ayaa ujeedada ay Itoobiya ka leedahay arintan waxay ku tilmaameen sidii ciidamada Sudan ee ku xadka bariga looga mashquulin dadàalka ay ugu jiraan lasoo noqoshada dhammaan dhulkii  ay beetalayda iyo ciidanka Itoobiya mudada dheer xoogga ku haysteen.Saraakisha reer Sudan waxay sheegeen in si ujeedadaasi u fusho ay Itoobiyaanku qorsheeyeen in Joseph Touka uu weerar ku qaado magaalada Karmak oo u qabsado iyado ciidamada Itoobiyaanku ku taakulaynaya garaacis madaafiicda ah.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*