Latest News

Tahriibayaal Afrikaan Ah Oo Ku Dhintay Markii Doon Kula Dagtay Xeebta Tunisia

Tunis, December 25, 2020 (Haatufonline) – Doomaha Ilaalada Xeebaha ee dalka Tunisia ayaa magaalo xeebeeda Isfax ka soo helay maydadka qaar ka mid ah Tahriibayaal ay dooni kula rogantay xeebaha dalkaasi, khamiistii shalay, waxaana baadi goob loogu jiraa tiro ka badan 20 qof oo ilaa iyo hadda la la’yahay.

Shan qof ayaa laga soo badbaadiyey doonta ay saarnaayeen dad tiradooda lagu qiyaasay 45 qof, kuwaas oo ka yimid wadamada Saxaraha Afrika ka hooseeya, oo isku dayayey inay gaadhaan dalka Talyaaniga.

Doonta oo la buuxiyo ama duug ah iyo dabaylo xoogan oo ka horyimaada ayaa inta badan qayb ka qaata quusitaanka doomaha tahriibayaasha, sida uu Afhayeen u hadlay ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Tunisia oo magaciisa la yidhaa Ali Ayari uu u sheegay wakaalada wararka ee the Associated Press.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*