Latest News

Taliska AFRICOM Oo Loogu Baaqay Inuu Magdhow Siiyo Qoysaska Dadkii Ku Dhintay Duqaymaha Soomaaliya Ay Ka Geystaan

Nairobi, April 29, 2020 (Haatuf) – Hay’adda Amnesty ayaa soo dhoweysay warbixinta taliska Maraykanka AFRICOM ee qirashada  in laba qof oo rayid ah oo Soomaali ah lagu dilay saddex kalena lagu dhaawacay duqeyn xagga cirka ah oo sanadkii hore dhacday Soomaaliya.

Amnesty waxay sheegtay warbixintaan rasmiga ah ee qiraysa doorka AFRICOM ee ku aaddan dhibaatooyinka rayidka in ay tahay iftiinka daahfurnaanta in ka badan toban sano oo hawlgallada millatari ka socdeen Soomaaliya.

Balse, Amnesty waxay sheegtay in loo baahan yahay inay jirto isla xisaabtan iyo magdhawga dhibbanayaasha iyo qoysaskooda. Waxay millatariga Mareykanka ku eedeeysay in aysan weli la xidhiidhin oo aysan siin wax magdhaw ah qoys kasta oo rayid ah oo ay qirteen inay dileen.

“Waa tallaabo wanaagsan in AFRICOM ay siiso qoysaska murugaysan fursad ay ku soo sheegaan dhibatooyinka rayidka iyaga oo adeegsanaya websaydhkooda. balse, waa in la helaa habab kale, oo ay ka mid tahay in laga sameeyo magaalada Muqdisho qaab loogu oggolaado odayaasha qabaa’ilka ama wakiillo la soo doortay inay ku hadlaan magaca dadka rayidka ah ee ay dileen kuwa duqeynta u geystey,” si looga wada hadlo magdhowga qoysaska dhibbanayaasha.” Ayaa lagu yidhi warbixinta Amnesty.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*