Latest News

Taliska Qaybta Ee Ciidamada Waqooyiga Itoobiya Oo La Sheegay Inay Diideen Amarki Abiy Axmed Ee Ahaa Inay Dagaal Ay Ku Qaadaan Ciidanka Gobolka Tigray Iyo Safaaradaha Maraykanka Iyo Ingiriiska Oo Ka Hadlay

Addisababa November 4,2020(Haatufonline)-Taliska hogaamiya ciidamada Itoobiya qaybta waqooyiga ayaa la sheegaya inay diideen fulinta amar uu xalay bixiyey raiisalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed inay weerar ku qaadaan bartilmaameedyo ku yaala gudaha gobolka Tigray ee ku yaala waqooyiga Itoobiya,waxaanay sheegeen in aanay ku duulayn shacbigooda.

Sida ay qaar ka mid ah warbaahintu qoreen amar diidada ciidanka Federaalka ee waqooyiga ayaa wax weyn u dhimi doonta qorshaha Abiy Axmed in uu hab militari ku xalili khilaafka xooggan ee u dhaxeeya isaga iyo hogaamiyeyaasha gobolka Tigray oo iyagu gacanta ku haya ugu yaraan kala badh oo badh hubkii cuslaa ee ciidamada Itoobiya oo dhan iyo waliba gobolka Tigray oo ay kasoo jeedaan ciidamada Itoobiya saraakiisha ugu aqoonta iyo waayoaragnimada adan dhinaca dagaalka .

Dhinaca kale safaaradaha Maraykanka iyo Britain ee deggan Adisababa ayaa ku baaqay in colaadda ka qaraxday gobilka Tigray la qaboojiyo oon kor loo qaadin dhamaan dhinacyada ay arintani khusaysaana dhawraan nabadgelyada dadka rayidka ah.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*