Latest News

Taliyaha Ciidamada Dawladda Itoobiya Ee Ku Sugan Gobolka Tigray Belay Seyoum Oo Dhaliilay Joogitaanka Askarta Eriteriya

Maqale,January 6,2020(Haatufonline)-Taliyaha qaybta waqooyi ee ciidamada Itoobiya General Belay Seyoum ayaa si ba’an u dhaliilay joogitaanka ciidamada Eriteria ee gobolka Tigray waxaanu sheegay in aanay ciidan ahaan iyagu dalban inay Eriteriyaanku dalka gudahiisa soo galaan.

General Belay Seyoum oo xukuma ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolka Tigray ayaa kulan uu dhawaan la yeeshay xubno ka mid ah dadweynaha ku nool caasimadda gobolka Tigray ee Maqale.Mar wax laga weydiiyay joogitaanka ciidamada Eriteriyaanka waxa uu ku jawaabay in joogitaankooda iyo soo talowgooduba ahaa mid aan loo baahnayn iyadoo uu Janaraalku qiray in madaxbaanida dalahaaneed ee Itoobiya iyo in ciidan shisheeye ku sugnaado carada Itoobiya ay yihiin 2 wax oon isqabanayn.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*