Latest News

Taliyaha ciidamada Maraykanka Africom :Alshabaab Waxa Ka Khatarsan Mudo-Kordhinta

Washington DC,April 23,2021(Haatufonline)-Taliyaha ciidamada Maraykanka ee Afrika(Africom) General Stephen Townsend ayaa sheegay in mudo kordhinti madaxweynihii Somalia ee mudo-xileedkiisu dhamaaday Maxamad Cabdilaahi Farmaajo iyo qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhashay ay dhinaca amniga dalkaasi kaga xuntahay khatarta Alshabaab ku hayso.

Janaraalka ayaa shalay lagu waraystay aqalka sare ee baarlamanka Maraykanka(Senate-ka) waxaanu walaac ka muujiyey khilaafka u dhaxeeya dawladda dhexe ee Federaalka iyo dawladaha maamul goboleedyada taas u sheegay inay saameyn ku yeelatay nabadgelyadi dalka.Waxa kale oo uu mudo kordhinti Farmaajo ku tilmaamay inay arintaasi waqtigan xaadirka aah Alshabaab kaga khatar badan tahay amniga Somalia.
Senator-ka gudoomiyaha u ah gudida qaabilsan ciidamada MrJack Reed oo fahigii Janaarka lagu waraysanayey isagu furay ayaa waxa uu sheegay in mudo kordhintii Farmaajo ay keeni karto in mucaawimooyinka Maraykanka laga joojiyo Somalia.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*