Latest News

Taliyaha Ciidamada Soomaaliya Oo Ka Badbaaday Qarax Lagula Eegtay Muqdisho

Muqdisho, July 13, 2020 (Haatuf) – Taliyaha Ciidamada Xooga Soomaaliya Janaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa dirqi kaga badbaaday qarax ismiidaamin ahaa oo lagu weeraray xili uu marayey meel u dhow Cisbitaalka Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Wararka laga helayo Goobjoogayaal ku sugan halka uu qaraxu ka dhacay ayaa Warbaahinta u sheegay, in inta la xaqiijiyay ay ku dhinteen haweeney rayid aheyd oo mareysay halka uu qaraxa ka dhacay iyo qofkii waday gaariga is qarxiyay.

Taliyaha Ciidamada Militariga ah ee Soomaaliya Janaraal Odowaa oo la hadlay Warbaahinta ku hadasha Af-ka Dowladda Soomaaliya, ayaa waxa uu qeexay in bartilmaameedka uu isaga ahaa, balse uu badbaaday. Waxa uu intaa ku daray in Ilaalada isaga la socotay oo aad u feejigneyd ay gaariga is-qarxiyay rasaaseeyeen, sidaasna uu khasaaraha ku yaraaday.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*