Latest News

Taliyaha Milatariga Ethiopia Oo Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka Ku Eedeeyey Inuu Taageerayo Ciidamada Tigrayga

Addis Ababa, November 19, 2020 (Haatufonline) – Taliyaha Ciidamada Milatariga dalka Ethiopia General Berhanu Jula ayaa ku eedeeyey Agaasimaha guud ee Hay’adda Caafimmaadka Aduunka ee (WHO) Tedros Adhanom inuu ka shaqaynayo taageerada Ciidamada Tigrayga ee dagaalka kula jira dawladda federalka ah.

Generalka Ciidamada Milatariga Ethiopia ayaa intaasi ku daray in Mr Adhanom uu isku dayayo inuu hubeeyo Tigrayga, isl amarkaana uu ka taageerayo dhinaca Diblomaasiyada.

 “Ninkani waxa uu xubin ka yahay kooxdaasi, waxaanu u fidinayaa wax kasta oo taageero ah,” ayuu Taliyaha Ciidamada Ethiopia General Berhanu Jula, oo maanta la hadlay warbaahinta.

Waxaanu intaasi ku daray oo uu yidhi “Waxa uu ka shaqaynayaa sidii dalalka Jaarka ahi ay u cambaarayn lahaayeen dagaalka. Waxa uu ku hawlan yahay sidii ay u heli lahaayeen hub,” ayuu yidhi General Berhanu, Taliyaha Milatariga dalka Ethiopia.

Madaxa hay’adda caafimaadka adduunka (WHO) Tedros Adhanom ayaa ka soo jeeda dalka Ethiopia.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*