Latest News

Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Somalia Iyo Gudoomiyaha Yaaqshiid Oo Ka Badbaaday Laba Qarax Oo Muqdisho Ka Dhacay

Muqdisho, February 28, 2021 (Haatufonline) – Taliye ku xigeenka ciidanka Somalia Brigadier General Cabbaas Aamin Cali ayaa ka badbaaday qarax miino oo magaalada muqdisho ka dhacay, subaxnimadii maanta oo Axad ah.

Sida ay sheegeen Saraakiisha ciidamadu qaraxan ayaa wadada dhinaceeda lagu rakibay, waxaanay ku qaraxday gaadiidkii uu la socday Taliye ku xigeenku.

Wararkuna waxa ay sheegayaan in askar la sootay Taliye ku xigeenka in loola cararay xarun milatari si loogu daweeyo.

Dhinaca kale Qarax jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan magaalada Muqdisho ayaa ka dhacay deegaanka Daarusalaam kaasoo lala beegsaday guddoomiyaha degmada Yaaqshiid.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago ayaa lala eegtay gaari uu saarna guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Cabdullaahi Cariif xili uu marayay deegaanka Daarusalaam.
Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta usheegay in qaraxaasi miino uu ka badbaaday guddoomiyaha Yaaqshiid iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo la socday guddoomiye Axmed Cabdullaahi.
Qaraxa kadib ciidamada ayaa furay rasaas xoogan lamana oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaasi miino iyo rasaasta aay fureen ciidamada dowladda, waxaana qaraxa kadib halkaasi gaaray ciidamo badan oo ka tirsan Booliiska Soomaaliya.
Qaraxan uu ka badbaaday guddoomiyaha degmada Yaaqshiid iyo saraakiishii la socotay ayaa kusoo beegmaya xili saaka qarax miino uu ka dhacay wadada Cabdiqaasim ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kaasoo lala beegsaday gaari aay saarnayeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*