Latest News

Taliyihii Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran Oo U Geeriyooday Coranavirus

Tehran, March 14, 2020 (Haatuf) – General Nasser Shabani,
oo ahaa taliyihii ciidamada ilaalada kacaanka Iran ayaa u geeriyooday cudurka
coronavirus, ama COVID-19, sida ay soo baahisay wakaalada wararka ee Fars.

General Shabani, Taliyana Ciidamada Ilaalada Kacaanka
Iran ayaa qada ciidamada bilaabay sanadkii 1982, oo ah xilligii Dagaalkii Iran
iyo Ciraaq dhexmaray.

Ka sokow Shiinaha, Talyaaniga iyo Koonfurta Kuuriya, Iran
ayaa ka mid ah dalalka dhibaatada cururka Coronavirus sida daran u saameeyey
tan iyo markii uu cudurku dillaacay bishii December ee sanadkii la soo dhaafay.

Tirada dadka ugu dhintay virus-ka dalka Iran ayaa gaadhay
514, sida uu baahiyey telefishanka dawladda Iran Jimcihii Shalay.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in 85 qof ay dhinteen 24-kii
saac ee la soo dhaafay, halka 1,289 xaaladood oo cusub la soo saaray, taasoo
tirada guud ee la xaqiijiyay ay gaadhayso 11,364.

Geerida guud ee cudurkaan ayaa ku badan 5,000, iyada oo
in kabadan 132,500 kiisas ah la xaqiijiyey, sida laga soo xigtay Ururka
Caafimaadka Adduunka.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial