Latest News

Taliyihii Iyo Madaxi Amniyaatka Alshabaab Ee Shabeelada Hoose Oo Maanta La Dilay

Muqdisho,February 20,2021(Haatufonline)-Taliyihii Alshabaab ee gobolka Shabeellada Hoose Maclin Bukhaari iyo madaxi ciidanka Amniyaatka (sirdoonka) ee aaggaasi Sheekh Ganeey ayaa maanta lagu dilay meel u dhaw magaalada Qoryoolay.

Sida uu warbaahinta u sheegay taliyaha guud ee ciidamada Somalia Odowaa Yusuf Raage im labadaas nin iyo kontomeeyo ka mid ah argagixisada Alashabaab ay ku dhinteen hawlgal weerar ahaa oo ay ciidamada dawladda Somalia la beegsadeen.

Dawladda Somalia ayaa labadii maalmood ee u dambeeyey dhaliilo culusi kaga imanayeen dhinaca mucaaridka iyo bulshada rayidka ah kafib markii ay ciidamada dawladdu ay rasaas ku fureen dad banaanbax ka samaynayey magaalada Muqdishu Jimcihii shalay iyadoo ay ku dhinteen 9 qof halka ay ku dhaawcmeen ilaa 12 qof.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*