Latest News

The Hague: Qabqable Dagaal Oo Reer Congo Ah Oo 30 Sano Oo Xadhig Ah Lagu Xukumay

The Hague, (Haatuf) – Maxkamadda Caalamiga ah ee
Dambiyada ee Magaceeda loo soo gaabiyo ICC ayaa 30 Sannadood oo Xadhig ah ku
xukuntay qab-qable dagaal oo hoggaamin jiray Jabhad ka dhaqdhaqaaqi jirtay
Dalka Congo, kaasi oo lagu eedeeyay inuu galay dambiyo lid ku ah xuquuqda
aadamaha.

Ninkan ayaa lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo ay ka mid
yihiin Dil, Kufsi iyo Addoonsi Galmo.

Xukunkan oo dhacay Khamiista Maanta ayaa noqonaya
xukunkii ugu dheeraa ee ay riddo Maxkamadda dambiyada Adduunka ee ICC, sida ay
sheegayso Al-jazeera.

Mr. Bosco Ntaganda ayaa bishii July ee sannadkan lagu
helay inuu falal Xasuuq oo kale ah ka geystay Dalka Macdanta Qaniga ku ah ee
Congo, intii u dhaxaysay 2002-2003.

Guud ahaan, Waxa lagu helay 13 Dambi oo Dambiyo dagaal
ah, 5 dambi oo lid ku ah xuquuqda aadamaha, waana Qofkii koowaad ee lagu helay
inuu geystay Addoonsi Galmo.

Garsooreyaasha Maxkamadda ICC ayaa bishii September ee
sannadkan, si gaar gaar ah u waraysatay Dhibbaneyaasha iyo Markhtaatiyada
dambiyada loo haysto Mr. Bosco Ntaganda, waxayna Khamiista Maanta soo saartay
xukunka ah 30 sannadood oo xadhig ah.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial