Latest News

Tigray-ga Ethiopia Oo U Dabaaldagay 45 Guuradii Jabhada TPLF Iyo Cabashooyin La Hordhigay Abiy Axmed

Mek’ele, (Haatuf) – Gobolka Ismaamulka Tigray-ga ee dalka Ethiopia ayaa lagu qabtay xus balaadhan oo ku saabsan guulihii Jabhadii TPLF ay gaadhay markii ay talada dalkaasi ka tuurtay Taliskii dhagarqabaha ahaa ee Col Mengistu Hailemariam.

Xuskan ayaa sidoo kale xambaarsanaa dabaaldaga aasaaskii sanad guuradii 45aad ee xisbiga TPLF ee dalka Ethiopia iyo xubnihii fikrada lahaa ee ugu geeriyooday halgankaasi.

Xuskan oo ay ka qaybqaateen dadweyne tiro badan oo iskaga kala yimid gobolada Tigrayga ayaa lagu qabtay Stadium-ka NBC ee magaalo madaxda Tigrayga ee Mek’ele, waxaana sidoo kale xuska ka soo qaybgalay ciidamada kala duwan ee Gobolkaasi Tigray oo socod gaar-dis ah ku maray Wadooyinka.

Dhinaca kale Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Dr. Abiy Ahmed Ali, oo sidoo kale ah hoggaamiyaha xisbiga dib u habaynta lagu sameeyey ee isbahaysiga xukumada dalkaasi ee PP ayaa xafiiskiisa Salaasadii shalay xafiiskiisa Addis Ababa ku qaabilay hoggaamiyeyaasha xisbiga Prosperity Party ee gobolka Tigray, waxaanay Raysal Wasaaraha hordhigeen dhawr Arimood, sida uu baahiyey Telefishanka –  ETV.

Xubnaha kulanka kulankaasi Raysal Wasaraha ka qaybgalay waxa ka mid ah Abraham Belay (PhD.), sidoo kalena ah Agaasimaha Ethiopian Electric Power (EEP) oo dhawaantan loo magacaabay Wasiirka Horumarinta Tignoolajiyada.

Warka ku saabsan kulanka Raysal Wasaaraha iyo Xubnahaasi ayaa sheegaya in laga wadahadlay, Xadhiga xubno ka soo jeeda gobolka Tigray, Miisaaniyada Gobolkaasi iyo cabsi laga qabo duulaan faragalineed oo ka timaada wadann kale, kaas oo aan la magacaabin wadanka uu yahay.

Kadib markii ay meesha ka baxday gacan ku hayntii xisbigii isbahaysiga dalka Ethiopia ee EPRDF, ee xisbiga Tigrayga ee TPLF uu ku jiray dawladda federalka, ayaa markii isbadalkaasi lagu sameeyey EPRDF waxa uu diiday xisbiga Tigray-ga ee TPLF inuu ka mid noqdo isbahaysiga cusub ee Prosperaty Party ee uu hogaamiyo Dr Abiy Axmed.

Hase yeeshee qaar ka mid ah hoggaanka sare ee TPLF, oo isku arka inay yihiin kuwa kaliya ee matala dhammaan dadka Tigreega, ayaa iyaguna muujiyay qorshahooda ah inay samaystaan isbahaysi cusub oo ay ku lug leeyihiin dadka ka soo jeeda qowmiyadaha kale, oo ay ugu yeedheen ‘federalist forces’. Source HCTV

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*