Latest News

Tirada Dadka Laga Helay Covid19 Ee Somaliland Oo Kor U Dhaaftay 200 Qof

Hargeysa, May 25, 2020 (Haatuf) – Agaasimaha Guud ee Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr Maxamed Cabdi Xergeeye oo maanta warbaahinta la wadaagay warbixinta maalinlaha ah ee Cudurka Covid19 ayaa sheegay in 24-kii saacadood ee u dambeeye 90 qof oo baadhintaan lagu sameeyey 35 ka mid ah laga helay Fayraska Coronavirus.

Dr Xergeeye ayaa intaa ku daray in taradan cusub ee Fayraska Coronavirus ay ka dhigayso wadarta guud 203 qof oo qaba xanuunkaasi guud ahaan Somaliland, halka dadka u geeriyoodayna ay tiradoodu yihiin 15 qof.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*