Latest News

Tirada Dhimashad Coronavirus Ee Mareykanka Oo Xawli U Kordhaysa, Gaadhayna 5,000

New York, April 2, 2020 (Haatuf) – Tirada dhimashada coronavirus ee dalka Mareykanka ayaa kor u dhaaftay 5,000 maanta Khamiis ah, sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins.

Tirada guud ee dadka Maraykanka ee qaba cudurka waxay gaadhay 216,721, halka 8,672 ay kasoo kabsadeen fayraska.

Inta badan dhimashada waxaa laga soo sheegey gobolka New York.  Waana xudunta fayraska dalka Mareykanka, iyadoo laga diiwaan galiyay 1,374 dhimasho.

Feyraska Covid 19, ayaa gaaray ugu yaraan 937,600 oo qof, iyadoo in ka badan 47,000 ay u dhinteen. Hallka in ka badan 194,000 ay ka soo kabsatay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*