Latest News

Tirada Xubnaha Kasoo Goosanaya Alshabasb Ee Isasoo Taraysa Iyo Khilaafka Ka Dhex Aloosan Ururkaasi

Kismayo/Muqdisho,February 2020, (Haatufonline) – Waxa isa soo taraysay bilahan dambe tirada saraakiisha kaso goosanaysa ururka Alshabaab kuwaasoo badankoodu isu dhibeen ciidamada Somalia ee ku sugan gobolka Jubaland.

Siday ku warameen qaar ka mid ah xubnaha isa soo dhiibay waxa ilaa sanadki 2019 ka dhex aloosnaa ururka Alshabaab khilaaf xoog leh oo ku saabsan dhimashada iyo dhaawaca faraha badan ee dadka rayidka ah kasoo gaadha qaraxyadda uu fuliyo ururka Alshabaab taasoo tiro badan oo xubnaha Alshabaab ka tirsani ku taliyeen in la joojiyo hawlgalada ay waxyeelada balaadhani kasoo gaadhayso dadweynaha .Xubnaha arintan soo jeediyey ayaa ku dooday in qaraxyada noocaas ah uu Alshabaab ku waayayoo taageeradi dadweynaha .Waxa seh ra’yigaasi kasoo horjeedsaday qayb laxaad leh oo iyagu aaminsan in dadka iyo dawladduba yihiin murtadiin diintii Islaamka ka baxay sidaas darteedna ay banaan tahay diiniyan in lala dagaalamo.

Khilaafkan ayaa sida la sheegay sababay koradhka isa soo taraya ee ku yimid tirada xubnaha Alshabaab ee kasoo goosanaysa ururkaasi iyadoo sanadki 2019 ilaa dhamaadkii January 2020 ay isa soo dhiibeen saraakiil iyo dagaalyahano tiradooda kor u dhaaftay 320 xubnood.

https://www.youtube.com/watch?v=uETn00wp2fc

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*