Latest News

Ugu Yaraan 40 Qof Oo Ku Dhintay Is-jiidh Ka Dhacay Aaskii Qaasim Solaymaani

Kerman, (Haatufonline) – Ugu yaraan 40 Qof ayaa ku dhintay Is-jiidh ka dhacay Aas loo sameeyay Maanta Taliyihii Ciidammada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, Qasem Soleimani oo dhawaan Maraykanku uu duqayn ku dilay, sida ay baahisay warbaahinta Iran.

Aaskan loo samaynayey Taliyihii ugu awooda badnaa dalka Iran ayaa sidoo kale waxa ku dhaawacmay dad tiro badan oo is-jiidhay markii uu aasku ka dhacayey magaalada Kerman.

Qasem Soleimani ayaa lagu aasay Deegaankiisa Kerman, halkaasi oo intii ay socotay diyaar-garowga Aaskiisu ay Jidadka isugu soo baxeen Malaayiin Qof oo ka soo jeeda shiicada Iran iyo Ciraaq, kuwaasi oo Aaskiisa ka qayb-galay.

Ninkan oo diyaaradaha Drons-ka ee Maraykanku ku dhufteen Gantaal, ayaa Geeridiisu waxay sababtay Cabsi ah in dagaal ka dhex qarxo Dawladaha Maraykanka iyo Iran.

Soleimani ayaa ahaa Ninka labaad ee awood ahaan ku soo xiga Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee Iran, Khamenei.

Maraykanka ayaa Soleimani u arkay Argagixiso dhibaato ku ah, taasi oo keentay inay hab Shirqool ah u dilaan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*