Latest News

Ururada Bulshada Rayidka Puntland Oo Dhexdhexaadin Ka Dhex Bilaabay Madaxweynaha Iyo Ku Xigeenkiisa

Garoowe, May 27, 2020 (Haatuf) – Waan waan lagu dhex
dhexaadinayo madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo
ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka socota magaalada Garowe ee
caasimadda Puntland.

Guddiyo ka socday ururada bulshada oo la kulmay labada
dhinac ayaa sheegay inay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa kala hadleen in
khilaafka xal degdeg ah laga gaaro, si looga hortago in khilaafku isku bedelo
gacan ka hadal iyo dhaawac soo gaara midnimada Puntland.

Guddoomiyaha dalladaha ururada bulshada rayidka ah ee
Puntland, Faysal Qaran ayaa u sheegay warbaahinta in khilaafka uu salka ku hayo
arimo shaqo, balse uusan la xidhiidhin arimo shaqsiyadeed.

Faysal Qaran wuxuu sheegay in labada dhinac uu mid kastaa
ballanqaaday in uu diyaar u yahay in khilaafka la xalliyo dibna loosoo celiyo
wada shaqayntoodii, iyagoo sheegay sida loo buunbuuniyay khilaafka inaanu
gaadhsiinayn.

Khilaafka ayaa ka dhashay wadatashi la’aan ka timid xagga
magacaabista kasoo baxda madaxtooyada Puntland, sida uu sheegay madaxweyne ku
xigeenka Axmed Karaash.

Labada masuul ayaa la filayaa inay is hor fariistaan si
ay xal kama dambeys ah uga gaaraan khilaafkaan soo noqnoqday.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial