Latest News

Ururka VOSOMWO Oo Hargeysa Ku Qabtay Shir Haweenka Lagaga Wacyigalinayo Tahriibka

Hargeysa, (Haatuf) – Ururada VOSOMWO iyo hay’adda SIHA Newtowk ayaa magaalada Hargeysa ku qabtay shir dhalinyarada hablaha ah lagaga wacyigainayo dhibaatada ay tahriibtu leedahay.

Kulankan oo ay ka soo qaybgaleen dhalinyaro ku bahoobay
shabakado maxali ah oo ay ka mid tahay Danjire Network oo ay ku bahoobeen
dhalinyaro iskaga kala yimid degmooyinka Caasimada ee Hargeysa ayaa laga soo
jeediyey mawduucyo ku saabsan dhibaatada tahriibku uu gaadhsiiso dhalinyarada gaar
ahaana Hablaha.

Ugu horayn waxa kulanka Shirkaasi ka hadashay Hibaaq oo
ka socotay ururka Haweenka ee VOSOMWO, waxaanay ugu horayn ka warantay waxa uu
u taagan yahay ururka VOSOMWO oo ku hadla codka Haweenka Beelaha laga tirada
badan yahay ee Somaliland, waxaanay tidhi “Ururka VOSOMWO waxa uu u taagan
yahay ururka codka haweenka Beelaha laga tirada badan yahay ee Somaliland, waa
urur waddaniya oo la aasaasay 2004-tii, waxaana loo aasaasay sidii loo raadin
lahaa xuquuqaadka iyo sidii ay ugu hadli lahaayeen.

Mudadii uu ururkani jiray ururku waxa uu qabtay horumaro
la taaban karo oo dhinac walba leh oo ay ka mid yihiin dhinaca Siyaasada iyo
dhinaca waxbarashadaba, sidoo kale ururkani waxa uu ka shaqeeyaa sidii ay uga
qaybqaadan lahaayeen siyaasada.

Ururku wuxuu khibradd u leeyahay bulshadan uu u
shaqaynayo, waxaanu cilmi baadhiso farabadan uu ka sameeyey duruufaha dhaqan
dhaqaale ee haysta bulshadan laga tirade badan yahay eek u dhaqan Somaliland.

Intaa ka dib kulankeenu waxa uu daaran yahay, arinta
tahriibka oo muddo dhan ay iska kaashanayeen ururka VOSOMWO iyo Daladda SIHA
NETWORK oo ka shaqaysa Geeska Afrika, waa urur ay ku midoobeen ururada Geeska
Afrika, waliba Bariga Afrika ee Somaliland, Djibouti, Ethiopia iyo Kenya,
waxaana jiray Tababaro xidhiidh ah oo loo qabanayey Hablo dhalinyaro ah oo
iskaga kala yimid Daami, Maxamed Mooge iyo Istaad-House-ka oo ku saabsanaa
aafada ay tahriibtu leedahay, dhibaatooyinka laga dhaxlo. Sidoo kale waxa jiray
balo la kulmay tahriibta oo tahriibay oo dhibaatooyin ku soo dhaceen, kuwaas oo
la-talin la siinayey oo waxa la isku dayayey sidii bulshada ay ugu soo noqon
lahaayeen oo mar kale ay bulshada ka dhex muuqan lahaayeen.

Markaa waxa jiray laba urur oo aanu la wadnay hawlahaa oo
daladan SIHA ay maalgaalinaysay mashruucan, mid waxa uu ahaa DANJIR oo
ururkaasi waxa uu noqday urur guulaystay oo hawlihiisii waa loo dhameeyey,”
ayay tidhi Hibaaq oo ka socotay ururka VOSOMWO.

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Galaal oo ah Aqoonyahan
dhalinyar ah, isla markaana u ololeeyaha arimaha dhalinyarada, kaas oo
iftiimiyey waxyaalaha keena tahriibta, waxaanu yidhi “Marka aynu usoo jeedsano
mawduuca aynu ka hadlayno ee Tahriibta, Tahriibta waxa keena baahi, markaa hadii
qofka dhibaato haysata laga horistaago, tusaale ahaan Wiil ama Gabadh mudo
geedi waxbarasho soo waday markaa haduu waayo wax uu geedigaa waxbarasho uu
kaga nasto ama uu ku naaloodo ama uu ku nasanayo uu waayo, wuu tahriibayaa.

Markaa dhinac walba waa la rogrogay oo Somaliland waa
laga qiimeeyey waxa keenaya Tahriibta waliba ay hablo u badan yihiin waxa
keenaysaa waa baahi, Baahidii hadii qofka laga joojin waayo wax markaa qofku uu
soo kordhinaysaa ma jirto,” ayuu yidhi Aqoonyahan Galaal oo u ololeeya arimaha
dhalinyarada.

Dhinaca kale waxa isaguna madasha kulankaasi ay yeesheen
ururada VOSOMWO iyo SIHA waxa ka hadlay Nuuradiin oo ah masuulka Dalada SIHA
Network u qaabilsan Somaliland, waxaanu yidhi “Hawshani waxay ahayd hawl aynu
inbadan soo wadnay anaga oo isla kaashanayna ururka VOSOMWO iyo hadda SIHA,
waxaana aanu ku dooranay VOSOMWO in dadka inta dhibtu taabato ay la shaqayso,
waxaana mashruucan loogu talo galay in dadkaasi Tahriibaya waxyigalin laga
siiyo dhibaatada tahriibka.

Maaha markii ugu horaysay oo hawshan oo kale aanu
bilawnay, waxa kale oo jira urur kale oo la yidhaa Danjire Association oo 40
hablood ka kooban oo iyaguna shanta waaxood ee magaalada Hargeysa ka kala
socda. Cilmi baadhis aanu samaynay waxa ay muujinaysaa oo mashruucani uu si gaar
ah taxadir uga muujinayaa ama uu u khuseeyey inta badan dadkani waa hablahaha
ay da’doodu ka hoosayso 14-22 jirka, waa kuwa inta badan u tahriiba xagaa iyo
dalalka Carabaha.

Carabaha marka ay dadkaasi tagayaan Puntland ayay maraan
kadiban Yemen ayay tagaan waxaanay ku dambeeyaan Sucuudiga, sidaa marka ay
tahayna dhibaato badan iyo tacadi badan ayay kala kulmaan,” ayuu yidhi
Nuuradiin oo ah Masuulka u qaabilsan dalada SIHA Networka Somaliland.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial