Ururka SOLJA Oo Ka Hadlay Xayiraadda Iyo Xadhiga HCTV

Hargeysa, (Haatuf) – Ururka SOLJA ayaa sheegay in maanta ciidamada
Booliska Somaliland ay xidheen Tifaftirihii telefishanka HCTV, C/qaadir
Saleebaan Casayr isla markaana xukuumaddu xayiraad saartay Telefishanka HCTV,
sida lagu sheegay War-saxaafadeed uu soo saaray ururka SOLJA oo uu ku saxeexan
yahay Gudoomiye Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto.
War-saxaafadeedka ururka SOLJA ayaa sidoo kale lagu
sheegay in Ururka SOLJA maadaama oo ay shaqadiisu tahay difaaca, horumarinta
Saxaafadda iyo kobcinta dimuquraadiyadda suuban iyo xoritaul-qawlka, inuu
talaabadaasi u arko talaabo qaldan oo ka timaada xukuumadda inay dhaawacayso
jiritaanka, Sumcada iyo deganaanshaha bulshada reer Somaliland, sidaas
daraadeed loo baahan yahay in laga foojignaado,” ayaa lagu sheegay
Warsaxaafadeedka SOLJA.
Leave a comment