Latest News

Waa Kuma 21-Jirka Tunisia Ka Soo Tahriibay Ee Faransiiska 3 Qof Ku Dilay?

Nice, October 30, 2020 (Haatufonline) – Ninka saddexda qof ku dilay dalka Faransiiska shalay Khamiistii ayaa magaciisa lagu sheegay inuu yahay Brahim Aouissaoui, oo da’diisu tahay 21 jir, kaas oo ka soo Tahriibay dalka Tunisia.

Brahim Aouissaoui ayaa Lampedusa oo Talyaaniga ah soo gaadhay dabayaaqadii bishii September, kadibna mudo markii loo karantiimeeyey coronavirus ayaa la sii daayey, waxaanu dalka Faransiiska uu gaadhay horaantii bishan October.

Booliska Faransiisku waxay sheegeen in Brahim aanu sidan wax waraago aqoonsi ah markii ay toogteen ee ay dhaawaceen, weerarka uu gaystay ka dib, balse waxa uu sitay haystay waraaqo magaciisa ay ku siisay Laanqayrta Case e Talyaanigu.

Waxaanu warku intaa ku darayaa inaanu wax magangalyo siyaasadeed ahba ka dalban dalka Faransiiska.

Xeer-ilaalinta Sicily oo Talyaaniga ka tirsan ayaa Wargeyska the Guardian u xaqiijisay in Brahim Aouissaoui uu soo gaadhay Xeebta Lampedusa 20 September, kadibna 14 maalmood uu ku qaatay karantiil doonta ah, ka hor inta aan loo sii gudib loo gudbin magaalo dakadeeda Bari ee dalka Talyaaniga 9 October.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*