Latest News

Waftigii Uu Hoggaaminayey Madaxweynaha Somaliland Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Hargeysa

Hargeysa, December 16, 2020 (Haatufonline)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi iyo wafti ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey oo safar qaatay muddo saddex cisho ah ugu maqnaa dalka Kenya ayaa galabta dib ugu soo laabtay dalka, waxaana Madaxweynaha iyo waftigiisa garoonka diyaaraha ee Cigaal International Airport kusoo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, qaar kamida golaha wasiirada, Taliyayaasha Ciidamada kala duwan, xildhibaano, salaadiin iyo masuuliyiin kale. Waxaana weftiga madaxweynaha si balaadhan loogu soo dhaweeyey jidadka caasimada Somaliland ee Hargeysa oo bulshada qaybeheedu hareero tubnaayeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi oo warbaahinta kula hadlay gudaha madaarka ayaa faahfaahin ka siiyey ujeedada safarkaas iyo guulaha Somaliland kasoo hoysay heshiisyadii ay lasoo gashay dalka Kenya, waxaanu madaxweynuhu warbaahinta uga jawaabay su’aalo dhawra o ay ka waydiisay arrimaha safarkaasi.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*