Latest News

Wafuudda Ka Qaybgalaysa Shir Heritage Ku Qabanayso Puntland Oo Garoowe Soo Gaadhay

Garoowe, December 28, 2020 (Haatufonline) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa mgaalada Garoowe kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb galaya shir weyn oo hay’adda Heritage ku qabanayso magaalada todobaadkaan.

Waxaa horey magaalada Garowe u yimid madaxweynaha Galmudug, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, guddoomiyayaasha labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya iyo xildhibaanno.
Waxaa sidoo kale Garowe ku sugan qaar kamid ah murashixiinta madaxtinimada Soomaaliya iyo siyaasiyiin caan ah oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladdihii kala duwanaa ee Soomaaliya.
Ammaanka magaalada Garowe ayaa aad loo aadkeeyay, iyadoo ciidamo iyo gaadiidka dagaalka lagusoo daadiyay guud ahaan waddooyinka magaalada, waxaana socda baaritaan culus oo lagu sameynayo baabuurta.
Madaxweynaha Puntalnd Siciid Deni ayaa sheegay in ay masuuliyad dheeraad ah iska saarayaan sugida amniga Garowe oo uu sheegay in loo gartay in ay marti galiso shir markii ugu horaysay Soomaaliya lagu qabanayo.
Laamaha amniga Puntland ayaa la faray in ay ka hortagaan cid kasta oo isku dayda in ay ku kacdo falal lidku ah ammaanka iyo kala dambaynta.
Dhinaca kale, 12-saac ee lasoo dhaafay waxaa xabsiyada loo taxaabay dad ay ku jiraan weriyayaal, kuwaas oo loo haysto in ay ka qeyb qaateen mudaharaad ka dhacay magaalada Garowe oo loogasoo horjeeday diidmada lacagta shilinka Soomaaliga iyo sicir bararka.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*