Latest News

Wakiilada Beesha Caalamka Oo Kulan Muqdisho Kula Yeelatay Madaxda Maamul Goboleedyada Somalia

Muqdisho, March 29, 2021 (Haatufonline) – Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Somalia oo maalintii saddexaad shir uga socdo magaalada Muqdisho ayaa haatan kulan la yeeshay wakiilada beesha Caalamka ee ku sugan Muqdisho.

kulankan ayaa ah kii ugu horreeyay ee si guud ah madaxweynayaasha shanta maamul goboleed ay ula kulmaan beesha caalamka tan iyo markii ay dhawaan Muqdisho isku tageen.
Masuuliyiin katirsan dowlad goboleedyada ayaa sheegay in kulankan looga hadlayo xal u helida marxaladda dalku marayo gaar ahaan Doorashada.
Wararka laga helayo kulankaasi ayaa sheegaya in madaxweynayaashu is afgarad ka gaadheen arrimo dhowr ah oo hortaagnaa inuu dhaco shirkii dhexmari lahaa dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada Somalia.
Kulanka beesha caalamka kadib, waxaa lagu wadaa in madaxweynayaashu shir jaraa’id qabtaan islamarkaana ay ka hadlaan natiijooyinka kulamadooda.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*