Latest News

War-murtiyeedka Ka Soo Baxay Shirkii Maanta Ee Dalka Jabuuti

Djibouti, June 14, 2020 (Haatuf) – Shirkii heerka sare
ahaa ee wada-tashiga labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda
Soomaaliya ee ka qabsoomay dalka Jamhuuriyadda Djibouti 14 June 2020, kuna
qabsoomay curintii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar
Geelle, iyo hoggaamiyayaasha kale ee Gobolka ee kala ah:

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Axmed,
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, iyo Madaxweynaha
Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, si dib loogu bilaabo wada-hadalladii ku
saabsanaa xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya, waxa ka soo baxay
qodobadan:

 Hogaamiyayaashu waxay aqoonsadeen kaalinta muhiimka ee
Jamhuuriyadda Djibouti kaga jirto nabadaynta Gobolka Geeska Afrika.

 Waxa la isla gartay in muddadii ka horaysay shirkan
taariikhiga ah ay dhaceen dhawr wareeg oo wada-hadallo ah balse aan midho
dhalin.

 Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynaha Soomaaliya
waxay isla garteen in guddi farsamo oo ka kooban labada wefti ay dib u
bilaabaan wada-hadalladii labada dhinac, sidoo kale ay daba-galaan heshiisyadii
iyo arrimihii hore loogu heshiiyey ee aan fulin.

 Waxa ay labada dhinac ku heshiiyeen in aan la
siyaasadayn gar-gaarka dhinaca horumarka iyo maal-geshiga.

 Shirku waxa uu soo jeedinayaa in Djibouti noqoto goobta
Shirarka Farsamo ka qabsoomayaan.

 Waxa la isla gartay in muhiimadda u saraysa ay leedahay
danaha labada shacab ay ahaato xuddunta wada hadallada labada dhinac.

 Shirku waxa uu ku boorinayaa dhammaan ururada gobolka,
qaaradda iyo caalamkaba in ay isugu geeyaan taageeradooda wada hadalladan.

War-murtiyeedkan waxa ku saxeexan Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Djibouti, 14 June 2020.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial