Latest News

Warbixin Kashiftay In Alshabaab Lacagta Dhigato Kana Xawisho Salaama Bank Iyo Xawaaladaha Soomaalida Isla Markaana Ka Ganacsato Dhismaha Iyo Iibka Guryaha

New York,October 10,2020(Haatufonline)-Warbixin aan wali la shaacin oo ay qoreen khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa kashiftay in ururka Alshabaab uu lacago farabadan dhigto isla markaana ka dirto Salaamka Bank iyo xawaaladaha Soomaalidaba.Warbixintan oo qayb ka mid ah uu helay soona daabacay maanta wargeyska caanka ah ee Nytimes ayaa waxay diiradda saaraysa qaababka uu ururka Alshabaab u isticmaalo baananka iyo xawaaladaha Soomaalida iyo waliba adeega lacagta la iskugu diro telefoonka mobile-ka.

Waxa kale oo warbixinta lagu sheegay in Alshabaab ay maalgashadaan dhismaha guryo iyo fooqaq hanti ah oo ay ugu talo galeen in la kareeyo si ay kharash joogto ah uga helaan.

https://www.nytimes.com/2020/10/11/world/africa/feared-shabab-exploit-somali-banking-and-invest-in-real-estate-un-says.html

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*