Latest News

Wargeyska Afka Dawladda Imaaraatka Ku Hadla Oo Bogiisa Kowaad Kusoo Daabacay Magaca Dalka Somaliland

Abu-Dhabi,January 21 2020(Haatufonline)-Wargeyska afka dawladda Imaaraatka ku hadla ee la yidhaahdo Al-Itixaad الاتحاد ayaa cadadkiisii 19/1/2021 ee Salaasadii boggiisa kowaad ku soo daabacay magaca dalka Somaliland.

Wargeyska oo ka waramayey laba cusbitaal oo Imaaraatku maalgaliyeen oo todobaadkii hore laga furay Berbera iyo Burco ayaa waxa uu xusay in labadaa magaaloodba ku yaalaan dalka Somaliland.Wargeysku wuxu warkiisa raaciyey oo uu labadiisa hareerood soo dhigay labada sawir ee Madaxweynaha dawladda Imaaraatka Sheekh Khaliifa Bin Zaayed iyo Waliyul Cahdiga Abu-Dhabi Sheekh Maxamad Bin Zayed.

Sida uu wargeysku shabada Cusbitaal ee cusub waxa hirgalisay hayada samafalka ee Khalifa Foundation iyadoo lasocodka mashaaricdaasi u xilsaarnaa wasiirka Madaxtooyada Sheekh Mansuur Bin Zaayed.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*