Latest News

Wasaarada Caafimaadka Somaliland Oo Shaacisay Laba Qof Oo Laga Helay Coronavirus

Hargeysa, March 31, 2020 (Haatuf) – Xukuumada Somaliland ayaa markii ugu horaysay shaacisay in laba qof laga helay xanuunka coronavirus, sida ay sheegtay Wasaarada Caafimaadka Somaliland.

Labadan qof ee laga helay caabuqa xanuunka coronavirus ee Somaliland oo ah laba qof oo ajaanib ah ayaa la sheegay inay ku kala sugan yihiin magaalooyinka Burco iyo Berbera.

Sidaasi waxa lagu sheegay shir jaraa’id oo goor dhaweyd ay qabteen masuuliyiinta Wasaarada Caafimaadka Somaliland, kuwaas oo tilmaamay in laba qof ee qaba xanuunka Coronavirus lagu ogaaday kadib markii baadhitaan lagu sameeyey.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*