Latest News

Wasaaradda Caafimaadka Somalia Oo Sheegtay In Laba Qof Oo Kale U Dhinteen COVID-19, 60 Bukaan Oo Cusubna Ay Soo Kordheen

Muqdisho, April 25, 2020 (Haatuf) – War kasoo baxay wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu shaaciyay halka uu marayo xanuunka COVID-19, kaas oo aad ugu sii fidayo gudaha Soomaaliya.

Warka wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in maanta oo qura ay soo kordheen kiisas gaaraya 62 xaaladood, kuwaas oo kala ah 44 rag ah iyo 18 dumar ah, kiisaskaan ayaa waxaa la diiwaan-geliyay 24- saac ee u dembeeyay.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur oo sidoo kale xubin ka ah guddiga ka hortagga COVID-19 ee Soomaaliya ayaa waxey tilmaantay in dadkii horay uu xanuunkaan usoo ritay ay laba kamid ah ka bogsadeen.

Sida ku cad war bixinta wasaaradda caafimaadka Soomaaliya  wadarta guud ee dadka qaaday xanuunka COVID-19 ayaa waxey gaarayaan 390 ruux, halka guud ahaan bukaannadii u geeriyoodana ay yihiin 18 qof.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxey qaadday tallaabooyin dhammaan la doonayo in lagu xakameeyo faafidda xanuunkaan samfarka ah ee uu caalamka u caal la’yahay xalintiisa, waxeyna mas’uuliyiinta dowladda shacabka farayaan in la qaato awaamiirta iyo talooyinka dhaqaatiirta caafimaadku jeedinayaan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*