Latest News

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Oo Ka Jawaabay Hadal Ka Soo Yeedhay Dhiggiisa Soomaaliya

Laascaanood, June 10, 2020 (Haatuf) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuux Xiir (Faratoon) ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeedhay Dhiiggiisa Soomaaliya Axmed Ciise Cawed.

Wasiir Cawed ayaa shalay sheegay in DP World oo Maalgelin ka wadda Somaliland ay dhibaato ku hayso Soomaaliya, sida Faro-gelin, sidaasi darteed ay dalka ka saarayaan.

Laakiin, Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo u warramay BBC Somaali ayaa yidhi “Hadalkaa hadal khaldan baan u aragnaa, Aad baan ula yaabanahay wax dhowr sano ka hor sheekadoodu dhamaatay in Wasiirku ku soo celcelinayo oo uu illaa hadda hadal hayo, Somaliland, DP World iyo Itoobiya heshiisyada ay galeen ee ku saabsan Dekedda Berbera iyo Waddada isku xidha Berbera iyo Wajaale, si Madax-banaan ayay u galeen, Cid kale oo ay wadaysan lahaayeen oo awood ku lihi ma jirto, sidaas ay ku galeen ayuuna ku dhamaanayaa, Mashruuciina dhammaad buu ku dhaw yahay oo meel wanaagsan buu marayaa.”

Faratoon wuxuu sheegay in Wasiir Cawed iyo Madaxda ka sarraysa ee Soomaaliya aanay isku hadal ahayn “Waxa layaab leh in Madaxweynihii iyo Raysal-wasaarihii Wasiirkaasi ay dhinac kaga hadlayaan isku soo dhawaansho, Isfaham iyo Wada-hadallo, haddana waxay sheeganayaan Somaliland..”

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial