Latest News

Wasiirka Caafimaadka Somalia Oo Sheegtay Inaanay Waxba Ka Ogayn Sababta Loo Xiray Agaasimaheeda Maaliyadda

Muqdisho, April 6, 2020 (Haatuf) – Wasiirka caafimaadka
Soomaaliya, Fowiyo Abiikar, ayaa sheegtay in aysan macluumaad ka haynin xariga
agaasimihii maamulka iyo maaliyadda waaaradda Caafimaadka, Maxamuud Maxamed
Buule, kaasoo la xiray afartii bishaan Abril.

Wasiirka caafimaadka waxay sheegtay in aan wasaaraddeeda
loosoo gudbin sababta agaasimaha loo xiray agaasimahooda, inkastoo ay
tilmaamtay inuu socdo baaritaano badan.

Waxay sheegtay in ay diyaar u tahay inay hay’addaha
gacanta ku haya kiiska agaasimaha kala shaqeyso wixii macluumaad oo looga
baahdo.

Xariga agaasimaha, waxaa lala xiriirinayaa arimo musuq
maasuqa maaliyaddeed ah, sida aan kasoo xiganay ilo katirsan dowladda, Balse
hay’adda soo xiray weli kama aysan hadlin.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial