Latest News

Wasiirka Gaashaandhigga Maraykanka Oo Qadar Ka Dalbaday Inay Ka Caawiso Sidii 10 Ka Midd Ah Madaxda Alshabaab Loo Soo Xerogalinlahaa Ama Ay Iska Horkeeni Lahaayeen Hogaamiyeyaasha Ururka Iyo Wasiirka Khaarajiga Oo Si Kale U Arkay

Wadhington,November 12,2020(Haatufonline)-Wasiirka ku meel gaadhka ah ee u Trump shalay u magacaabay jagada Gaashaandhiga Christopher Miller ayaa bishii ina soo dhaaftay u safray dalka Qadar waxaanu Amiirka dalkaasi kala xaajooday qorshe uu Maraykanku ku doonayo in Qadar gacan ka siisoo sidii loo soo xerogalin lahaa 10 ka mid ah madaxda Alshabaab oo looga saari lahaa ururkaasi iyo waliba sidii la iskaga horkeeni lahaa madaxda Alshabaab laftooda.

Mr Miller oo intii aan shalay Gaashaandhigga loo magacaabin hayey xilka agaasinka Xafiiska la Dagaalanka Argagixisonimada,ayaa safarkii u u ku tagay Dooxa waxa uu balanqaad adag ka helay dawladda Qadar inay ka caawiso sidii u qorshehiisani u noqon lahaa mid midho dhal ah iyadoo Qadar ay aheyd dawladdi suurtogalisey in Maraykanka iyo ururka Talibaan wada hadalo ku yeeshaan dalkeeda.

Hasayeeshee wasiirka Khaarajiga Maraykanka Mike Pompeo oo qorshaha Mr Miller u arkay mid laga dul boodsiiyey oon lasoo marinin wasaaraddii u xilsaarneyd xidhiidhka Arimaha Dibadda ayaa arintaas gaashaanka u daruuray , waxaanu amray in la joojiyo qorshahii uu watay xafiiskii la dagaalanka argagixisonimadu.Waxaseh suurtogal ah in Mr Miller halkii kasii wado qorshehiisii maadaama uu shalay noqday wasiir la siman Pompeo oo waliba loo dhiibay xilkii Gaashaandhigga.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*