Latest News

Wasiirkii Hore Ee Amniga Jubbaland Oo Uu Wehelinayo Fahad Yaasiin Oo Muqdisho Ka Dagay

Muqdisho, March 25, 2021 (Haatufonline) – Wasiirkii hore ee Amniga Dowlad Gobolleedka Jubbaland Cabdirashiid Janan oo maalintii shalay heshiis la galay Dowladda Somalia ayaa galinkii danbe ee maanta ka degay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Safarka Cabdirashiid Janan ee Muqdisho waxa wehlinayay taliyaha ciidamada nabadsugida Somalia, Fahad Yaasiin iyo xubno Wasiirro ah oo ka tirsan xukuumadda mudo xileedkeedu dhamaaday ee Soomaaliya kuwaa oo Gobolka Gedo u tagay soo dhaweynta Cabdirashiid Janan,

Janan ayaa Muqdisho ku soo laabtay sanad iyo dheeraad kaddib markii uu ka baxday xasbi uu ku jiray isaga oo eedeysnaa in uu galay gabood falo kala duwan, wixii xiligaa ka danbeeyayna waxaa jiray dagaal siyaasadeed oo u dhaxeeyay isaga iyo Dowladda Soomaaliya.

Balse ugu danbeyntii khilaafka labada dhinac ayaa la soo afjaray, iyadoo Cabdirashiid Janan uu sheegay in uu u tanaasulay sida uu hadalka u dhigay daruufaha adag oo ay xiligan wajahayaan dadka ku dhaqan gobolka Gedo iyo muhiimada ay leedahay in Qarannimada laga wadashaqeeyo.

Laakiin dhinaca kale marka la eego heshiiskan waxaa dhaliilay hay’adda caalami iyo waliba midowga Yurub oo ku tilmaamay mid wax-yeelo ku ah dhibbanayaashii ay dhibaatadu ka soo gaartay iyo kuwii ku barakacay colaadihii uu qeybta ka ahaaa Cabdirashiid Xassan Cabdinuur Janan oo uu ugu danbeeyay dagaalkii horraantii sanadkan ka dhacay degmada BeledXaawo.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*