Latest News

Weerarkii Dhinaca Cirka Ee Ugu Dambeeyey Oo Waxyeelo Gaadhsiiyey Jaamacada Mekele

Nairobi, November 20, 2020 (Haatufonline) – Saraakiil ka tirsan Jaamacada ayaa sheegay in weerarkii dhinaca cirka ee ugu dambeeyey lagu duqeeyey Jaamacada mekele ee ku taala caasimada gobolka Tigrayga ee dalka Ethiopia, kaas oo sababay khasaare.

Weerarkan oo sarkaal sare oo ka tirsan Jaamacadu uu u xaqiijiyey Wakaalada Wararka ee AP ayaa sheegay in aanay wali cadayn cid ku dhimatay iyo cid ku dhaawacmay duqaynta dhinaca cirka ee Mekele.

“Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda Itoobiya oo dagaal kula jirta xoogagga gobolka Tigray tan iyo weerarkii 4-tii November lagu qaaday saldhig militari oo halkaas ku yaal. Labada dhinacba waxay qaadeen duqeymo xagga cirka ah. Mid waliba kan kale ayuu u arkaa mid sharci darro ah, natiijada ka dhalatay khilaaf soo kala dhex galay Ra’iisul Wasaaraha ku guuleystay Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Abiy Ahmed iyo hoggaamiyeyaasha Tigreega oo mar xukumi jiray isbahaysiga talada dalka Ethiopia haya.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*