Latest News

Weerarkii Ugu Xumaa Oo Caawa Lagu Laayey Ciidamada Maraykanka, Ingiriiska Ee Ku Sugan Ciraaq

Baqdaad, March 12, 2020 (Haatuf) – Laba Askari oo Maraykan ah iyo hal askari oo British ah ayaa lagu dilay weerar gantaal oo lagu soo ganay saldhig malatari oo ku yaala dalka Ciraaq, Sida ay xaqiijiyeen saraakiil Maraykan ah.

Weerarkan ayaa lagu eedeeyey inay ka dambeeyaan maleeshiyo Ciraaq ku sugan oo ay taakulayso Iran, waxaanu noqonayaa weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ciidamada reer galbeedka soo gaadha sanadadii la soo dhaafay.

Wararka ka imanaya dalka Ciraaq ayaa intaa ku daraya in Maleeshiyadani ay ku soo ganeen xerada Ciidanka ee Taji oo ku taala waqooyiga Baqdaad 15 gantaal, waxaana guryaha xeradaasi gantaalada lagu soo weeraray ku sugnaa ciidamo ka tirsan isbahaysiga Maraykanku hoggaamiyo, wax yar uun ka hor sideedii habeenimo, markii weerarkaasi lagu dilay saddex askari oo isugu jira Maraykan iyo Ingiriis.

Waxaana sidoo kale ku dhaawacmay ugu yaraan toban kale. Hase yeeshee Saraakiil dawlada Maraykanka ka tirsan ayaa cadeeyey in Labada Askari ee Maraykanka ee xerada lagu laayey ay ahaayeen Capt. Moises A. Navas iyo Gunnery Sgt. Diego D. Pongo.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*