Latest News

Wefti Ethiopian Ah Oo Uu Hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadu Oo Somaliland Yimid

Hargeysa, July 22, 2020 (Haatuf) – Wefti Ethiopian ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyada dawladda Federalka ee Ethiopia Axmed Shide ayaa socdaal ku yimid magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland.

Weftigan ayaa la filayaa inay kulan la yeeshaan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isla markaana kulankaasi kaga wada hadli doona arimo ku saabsan xidhiidhka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo Ethiopia.

Socdaalkan weftiga Ethiopian-ka ah ayaa imanaya kadib markii todobaadkan wefti Masaari ahi ay yimaadeen Somaliland, kuwaas oo kulano laba geesood ah la yeeshay saraakiil ka socotay Wasaarada Arimaha dibada Somaliland, iyo xubno kale oo ka tirsan Wasaaradaha Maalgashiga, Kalluumaysiga iyo xanaanada xoolaha.

Ethiopia ayaa ah dal ay saaxiib dhow yihiin oo ku wada yaala mandaqada Geeska Afrika. Waxaanay iska kaashanayaan mashaariic shirkadda DP World iyo Dawladda Imaaraadka Carabtu ay fulinayo oo ay ka mid tahay dib u dhiska dekeda Berbera oo door mug leh ka qaadan doonta isku xidhka maraakiibta ganacsiga ee Geeska Afrika iyo bariga Dhexe.

Waxaana Saamiga mashruucaasi dib dhiska Dekeda Berbera ay Ethiopia ku leedahay 19%, halka Somaliland ay haysato 30% iyo DP World 51%. Waxaana sidoo kale ku jira dhismaha jid isku xidha Berbera iyo Ethiopia oo gaadhaya 250-kilometre.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*