Latest News

Xaaladda Xuquuqal Insaanka Somaliland Oo Walaac Laga Muujiyey

Hargeysa, (Haatuf)  – Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland ayaa
walaac ka muujisay xaalada xuquuqda Aadanaha ee Somaliland, sida ay ku sheegtay
warbixin ay soo saartay maanta oo ku beegan 71st guurada maalinta Xuquuqda
Aadanaha.

Xarunta Xuquuqal Insaanku (HRC) waxay sheegtay in
sanadkan 2019-ka ay diiwaangalisay xadhiga 88 qof oo loo xidhay kiisas la
xidhiidha xoriyada fikirka oo ay ku jiraan 29 suxufi iyo 57 qof oo aan
suxufiyiin ahayn.

Wakhti xaadirkan
Tifaftiraha Telefishanka Horn Cable TV, Cabdikadir Suleiman Oman ayaa xabsiga
ku jira oo wajahaya eedo ay ku jiraan Fidinta Dacaayado Qaranka ka dhan ah,
Baahinda Warar Been Abuur iyo iska dhagamarinta amaro dawladda ka soo baxay,
sidoo kale waxa ku jira eedaha loo haysto Tifaftiraha HCTV baahinta war ku
saabsanaa warqad cabasho ah oo shirkadd diyaaradeed ay kaga cabatay in la
siiyey warar iska horimanaya xili ay soo dagaysay, ayaa lagu sheegay
warsaxaafadeedka ka soo baxay xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland oo ku qornaa
Afka Ingiriisiga.

Sidoo kale Eedaha
Tifaftiraha HCTV uu wajahayo waxa ka mid ah Waraysi uu Siiyey Telefishanka
HOgaamiye Maleeshiyo, ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeedka Xarunta Xuquuqal
Insaanka Somaliland.

Sanadkan waxa kale
oo albaabada loo laabay Xarumo Warbaahineed oo ay ka mid yihiin Foore, Horyaall
24 TV iyo  Eryal Tv, kuwaas oo bileysku
ay ku xidheen warqad Wasiirka Warfaafintu uu soo saaray, halka Maxkamada
gobolka Maroodi-jeex ay amartay in la xayiro shabakada wararka ee Hadhwanaag
News oo baahisay maqaalo ka hadlayey eedo musuqmaasuq oo ku wajahnaa
gudoomiyaha bangiga dhexe, waxaanay maxkamadu amarkaasi ay ku dhaqaaqday iyadoo
aan la dhagaysan dhinacyada. Saddex wariye oo ka tirsan Hadhwanaag news ayaa
xabsiga loo taxaabay, kadibna waxa lagu sii daayey damiin, sida lagu sheegay
War-saxaafadeedka ay soo saartay Xarunta Xuquuqal Insaanku.

Dhinaca kale waxa
17-kii November la xidhay saraakiil sarsare oo ka tirsan xisbiga Mucaaridka ah
ee Waddani oo ay ku jiraan Afhayeenka xisbigaasi Barkhad Jaamac Batuun iyo
Xoghayaha Xisbigaasi Khadar Xuseen Cabdi.

http://hrcsomaliland.org/human-rights-centre-expresses-concern-over-the-human-rights-situation-of-somaliland/

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial