Latest News

Xarunta Xuquuqul Insaanka Somaliland Oo Soo Bandhigtay Xadhiga Sanadkan Loo Gaystay Suxufiyiinta Iyo Rayidka Ah

Hargeysa, (Haatuf) – Maanta oo bishu tahay 31 December
2019, Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay soo saartay warbixin sanadeedkeedii
xuquuqal insaanka ee sanadka 2019.

Warbixinta Xarunta Xuquuqal Iinsaanka madaxa banaan ee
2019 waxay koobsanaysaa arimo dhowra ah oo la xidhiidha tacadiyo xuquuqal
insaan oo dhacay sanadka 2019, kuwaas oo ay diiwaangelisay Xaruntu.

Xaalada xoriyatul qolwka oo sii xumaanaysa iyo xadhiga
sharci darada ah oo sii badanaya. Somaliland dhexdeeda way adag tahay in qof ku
si xora fikirkiisa u cabiri karo. 
Sanadkan 2019 waxay Xarunta Xuquuqal Insaanku diiwaan galisay

xadhigii ugu badnaa ee tan iyo intii xaruntu jirtay. Waxa
sanadkan laxidhay. Dad ah 88 qof oo dhamaan xadhigoodu sharci daro ahaa. Marka
lays barbar dhigo sanadkan iyo sanadkii hore, waxa xadhigu aad uga
badanyhay  sanadkan.

Tusaale ahaan, sanadkii hore waxa la xidhay 35 qof, waxa
markaa aad u muuqata in korodh wayni jiro. 88 tankaa qof ee sanadkan laxidhay
waxay isugu jiraan 29 suxufi iyo 59 qof oo kale oo aan suxufiyiin ahayn. 29
suxufi waxa xukun ku dhacay hal suxufi oo ah Cabdimaalik Muuse Coldoon, hadana
waxay dacwad ciqaabihi ku socota fatirihii HCTV, Cabdiqaadir Cismaan Coday.
Waxa sidoo kale sanadkan la xayiray afar warbaahinood.

Dhanka kale waxa sanadkan xukuumada ka soo baxayay amaro
isdaba jooga oo runtii caqabad iyo cabudhin ku ahaa warbaahinta madaxa banaan.

Dadka kale ee aan suxufiyiinta ahayn ee xadhiga sharci
darada ah waajahay waxa ka mid ahaa siyaasiyiin sarsare oo ka tirsan xisbiga
mucaarad ka ah ee Wadani. Iyadoo waliba sanadkani ahaa markii ugu horaysay ee
taariikhda Somaliland, la xidho siyaasiyiin miisaankaas leh oo ka tirsan xisbi
mucaarad ah oo diiwaangashan. Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee la xdhay waxay
kala yihiin Xoghayaha Guud ee xisbiga Wadani Khadar Xuseen Cabdi, af-hayeenka
xisbiga, Barkhad Jaamac Batuun iyo hogaamiyihi garabka dhalin yarada  Maxamed Sidiiq Dhame.

Waxa sidoo kale xadhig xad gudub ah lagula kacay
xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ah xildhibaan Barlamaanka ka tirsan, waxa
laxidhay isagoo xasaanadiisii huwan, arinkaas oo runtii ahaa arin sharciga baal
marsan.

Dhinaca xadhigga sharcidarada ah ee mudo dhaafka ah waxa
ka mid ah afar qof  oo laba kamid ahi
da’doodu aad u yarayd kuwaasoo  Gobolka
Sanaag lagasoo xidhay, moddo 13 bilood ahna 
sifo sharci daro ah  Hargeysa ugu
xidhnaa, wax maxkamad ahna aan halmar keliya xitaa la hor geynin.

Dhamaan dadka waa lasii daayay wax magdhow ah na lama
siin oo dowlada kamaysan helin.

Sidoo kale warbixinta waxa ku jira, tacadiyada
boolisku  kula kacaan shacabka. Boolisku
waxay had iyo jeer ku kacaan ooy caadaysteen, tacadiyo ka dhan ah xuquuqda
aadamaha. Waxay si daah furan u qaraacaan dad shacab ah oon waxba
galabsan.  Waxay xaruntu diiwaangalisay
garaacis police kula keceen wiil dhalin yaro ah oo lagu xidhay saldhiga
booliska ee Koodbuur. Wiil kaas oo ilig uu nin boolis ka tirsani ka riday,
majirin wax eed ah oo laga gudbiyay askarigaas.

Xilayada ay xadhigyada samaynayaan dad ka uma
adeegsadaan, wax amar makamadeed oo qabasho ah oo sharciyaysan. Marar badana
waxay xidhaan dad aan ahayn danbiilayaashii rasmiga ahaa. Waxa adag in booliska
lala xisaabtamo ama loo raaco falalka qayrul sharciga ah ee ay galayaan.

Xadhiga dadku  wuu
siibadanayaa, goobaha ama saldhigyada dalkuna uma qaabaysna meel cid lagu xidhi
karo oo manidaamsana. Xaga nadaafada, cuntada iyo caafimaad kuba wuu liita.
Majirto meel Booliska looga ashtakooda amaba laga dacweeya.

 Waxa lala wada socdaa
in Xeerkii booliska ee dhawaanta lasameeyay 
la siyaasadeeyay oo laga tuuray saddexdii qodob ee muhimka u ahaa
bulshada taasoo runtii nasiib daro wayn ah. Seddexdaa qodob oo kala ahaa :
inaan Boolisku xabad nool u isticmaalin dadka rayidka ah, in lasameeye guddi
booliska looga cowdo oo laga dacweeyo markay danbi galaan iyo in la civilian
gareeyo booliska.

Arintaasi waxay sababtay madaaa oo aanu jirin masuuliyad
iyo la xisaabtan, booliisku in ay siday doonaan u dhaqmaan.

Waxa kale oo xaruntu diiwaan galisay dil aan garsoorku
jidayn oo Ceel afwayn ka dhacay. 27 bishii todobaad ee sanadakan sii dhamaanaya
ee 2019, waxay ciidamada RRU du, magalaadada Ceel afwayn ku dileen marxuum
Rooble Mahdi Eidle oo 22 jir ahaa, marxuumku muu hubaysnayn markii dilka loo
gaysanayay. Waxa sidoo kale xabado aan loo meel dayin oo ciidamada RRU fureen
ku dhimatay marxuumad Sucaad Abdilaahi Ducaale oo 32 ahayd.

Sidoo kale waxa dhaawac soo gaadhay shan qof oo kale oo
muwaadiniin ah, falkaa sharci darada ah, cidna looma maxkamadayn oodanbi
lagumaso oogin, taasina waxay xad gudub cad oo wayn ku tahay dastuurka
Somaliland.  

Sidoo kale waxa warbixin tan ku jira dad dhulkii ay
daganayeen xoog iyo awood dowladu kaga saartay, kadib markii ay sheegtay in
iyadu dhulkaa madaxtooyo u qoondaysay. arinkaasoo isna sharciga baal marsan.
Waayo sida Dastuurkaba ku taal haddii dowladu hanti gaar ah lawareegayso waa in
ay magdhow siisaa dadkii dhulka lahaa.

Waxa kale oo waxbixintu koobsanaysaa tacadiyada aalaaba
haweenku la kulmaan sida kufsiga, sababtuna waxa weeye ma jiro xeer dhaqan gal
ah oo u gaara amaba lagula tacaalo tacadiyadaas.

waxa kale oo warbixintan ku jira 2 qof oo ku dhintay
xarumaha aan sharciga ahayn ee dawo dhaqameed yada dadka lagu daweeyo.
Arinkaasoo runtii arin warwarkiisa leh ah.

 Talo Soojeedin:

 ü  Waxaanu soo jeedinaynaa in booliska isbadal
aad u balaadhan lagu sameeyo, iyadoo dastuurka dalka la waafajimayo. Sidoo kale
in booliska mid madai ah (oo aan military ahayn) laga dhigo, oo ay hoostagaan
maxkamadaha shacabka ee caadiga ah.

 ü  In la abuuro 
gudi madax banaan oo indhaha ku haysa khaladaadka iyo gafefka sharci ee
boolisku geystaan.

ü  In boolisku
joojiyo awooda xad dhaaf ka ah ee uu u had iyo goor u is ticmaalo ,
mudaharaadayaasha ama dadka raba inay isusoo baxyo sameeyaan.

 ü  Sidoo kale in lamagacaabo  gudi madax banana oo baadha, siyaabaha iyo
sifaha ay  boolisku dadka ku xidhaan.

 ü  In lamagacabo guddi madax banaan oo badhitaan
ku samaysa xadgudubyada booliska laga tirsanayo 
ee kadhacay  Ceel –Afwayn, gaar
ahaan dilka aan garsoorku jidayn ee 
ciidamada RRU du ka gaysteen Magaalada Ceel Afwayn, si maxkamed la
horkeeno cidii dilka gaystay oo sharciga loomariyo.

 ü  In dowladu ixtiraam weyn u muujiso cabirka
rayiga xorta ah, oo aay joojiso xadhiga iyo cago juglaynta ay ku hayso dadka
iyada dhaliila.

 ü  In siyaasiyiinta loo ogalaado xuquuqqaha
siyaasiga ah ee sharcigu siiyay. 

ü  In dadka loo
ogalaado mudaharaadyada sida uu dastuurkuba waajibinayo.

 ü  In dowladu wax ka qabato xarumaha aan
sharciga ahayn ee loo furtay dawo dhaqameedyada ee dadka lagu waxyeeleeyo.

ü  Ugu danbayn
waxaan ku baaqaynaa in dowladu joojiso dadka ay sifaha xooga ah een sharciga
ahayn dhulkooda uga rarayso ama ugu saarayso.

Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka ee Somaliland

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial