Latest News

Xisbiga UCID Oo Eryey Ramaax Iyo Xoghayaha Golaha Dhexe Oo Shaqada Laga Joojiyey

Hargeysa, 29, 2, 2020 (Haatuf) – Guddiga fulinta ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa Maanta caydhiyey Xoghayaha Arrimaha gudaha ee Xisbigaasi, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), waxayna shaqada ka joojiyeen Xoghayaha Golaha dhexe ee Xisbigaasi, Maxamuud Cali Muuse (Jiir).

3Fadhiga ay Saaka yeesheen Guddiga fulinta ee Xisbiga UCID oo uu Shir-Guddoominayey Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa go’aammada ka soo baxay waxa lagu faahfaahiyey War-saxaafadeed ka soo baxay Xisbiga UCID, kaasi oo u qornaa sidan:-

Lama oga sababta Ramaax loo eryey isla-markaana Jiir shaqada looga hakiyey, balse labadan masuul ayaa hore u soo dhaweeyay Qorshe uu Madaxweyne Biixi ku doonayey inuu ku furo ururrada siyaasadda iyo Asxaabta Qaranka, go’aankaas oo ka cadhaysiiyey Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka Somaliland.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*