Latest News

Xisbiga UCID Oo Soo Dhaweeyey Wareegto Lagu Wargalinayo Warbaahinta Dawlada In Si Siman Ay U Isticmaalaan Mucaaradka iyo Muxaafidku

“Waa Talaabo Ay Fulin Waayeen Dhawrkii Madaxweyne Ee Kala Dambeeyey, Waanu Soo Dhaweynayaa” Yusuf Kayse Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID

Hargeysa, September 21, 2020 (HaatufOnline) – Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID, Yuusuf Kayse Cabdilaahi ayaa soo dhaweeyey Wareegto Wasaarada Warfaafinta ka soo baxday oo lagu wargalinayo warbaahinta dawladda in si siman looga sii daayo wararka xisbiyada mucaaridka iyo muxaafidka.

Yuusuf Kayse, Cabdilaahi ayaa talaabadaasi ku tilmaamay mid loo qaaday dhabaha dimuqraadiyada oo ay fulin waayen dhawrkii Madaxweyne ee iskaga kala dambeeyey talada Somaliland, balse ay ku dhiiratay xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Sida uu Xoghayaha Warfaafinta ee xisbiga UCID uu ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay magaalada Hargeysa, isagoo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Hadaanu nahay xisbiga UCID waanu soo dhaweynaynaa talaabadaa uu Madaxweynuhu ku dhiiraday inuu wareegto ka soo saaro, taas oo marka horeba sharciga Jamhuuriyada Somaliland sida dastuurka qaranka iyo xeer Lr 14 ay siiyeen xisbiyada Mucaaridka iyo shacabka somalilandba in six or ah looga rayi dhiibto warbaahinta qaranku leeyahay, waanu soo dhaweynaynaa, markii hore waxa uu ahaa Telefishan xisbiga Kulmiye ayuu ahaayee hadii uu Telefishanka Qaranka noqonayo oo uu noqonayo oo uu noqonayo Radio-gii qaranka oo uu noqonayo Joornaalkii qaranka, waanu soo dhaweynaynaa, waana talaabo ay fulin waayeen dhawrkii Madaxweyne ee kala dambeeyey, waanu soo dhaweynayaa,” ayuu yidhi Xoghayaha Warfaafinta ee xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi.

Mr Yuusuf Kayse ayaa sidoo ugu baaqay Xukuumada Madaxweyne Biixi inay soo celiso shaqaale dawladii hore ee Kulmiye ay eriday diban ay uga hawlgalaan Telefishanka iyo Idaacada Qaranka.

“Waxanau leenahay shuruudaa ku xidhan in arintaasi hirgasho, waxa jira shaqaale dawladii hore ee Kulmiye iyo kuwii ka sii horeeyeyba loogu eryey maxaad xisbiga mucaaridka wax uga soo duubtay, Madaxsweynaha waxaanu leenahay horta shaqaalahaasi ha la soo celiyo oo dib ha uga hawlgalaan Telefishanka Qaranka, warbaahinta kale ee madaxa banana si ay uga hawlgalaan si la mid ahna iyaguna ha uga hawlgalaan oo shaqaalaha fursadaha shaqo ee soo baxa ha la xayaysiiyo.

Waxa aynu ka warhaynaa imisa wariye oo dadku ay jeclaayeen ayaa markay warbaahinta Qaranka ama Telefishanka qaranka galeen la waayey,” ayuu yidhi Yuusuf Kayse Cabdilaahi.

Xoghayaha xisbiga Xisbiga UCID, waxa kale oo uu sheegay in xisbi UCID ahaan ay dhawrayaan shuruucda iyo nidaamka dalka, isla markaana ay ku ekaanayaan xayndaabka mucaaridada.

“Anaguna xisbi ahaan waxaanu dhawraynaa shuruucda iyo nidaamka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland u baneeyey mucaaridada xayndaabkaa waanu ku ekaanaynaa,” ayuu yidhi Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*