Latest News

Xisbiga Waddani Oo Sheegay In Somaliland Noqotay Meelaha Ugu Laydhka Qaalisan, Xukuumadana Baaq U Diray

Hargeysa, August 6, 2020 (Haatuf) – Xoghayaha Shaqada iyo
Arrimaha Bulshada ee xisbiga Waddani, Maxamed Sidiiq Dhame ayaa sheegay in
Somaliland noqotay meelaha ugu Laydhka qaalisan wadamada dunida iyo deegaanada
Soomaalidu ay degto, waxaanu Xoghayuhu xukuumada Somaliland ugu baaqay inay wax
ka qabato adeegyada aasaasiga ah oo uu ka mid yahay Laydhku.

“Somaliland waxay ku jirta wadamada ugu lahydhka qaalisan
dunida iyo deegaanada Soomaalida oo dhan marka aad isku gayso, Somaliland waxay
safka hore kaga jirtaa dalalka ugu laydhka qaalisan ee aanay iska bixin Karin shacabkeedu.

Laydhka Somaliland waxa shida shirkado gaar loo leeyahay,
Somaliland laydhkii ay lahayd xukuumadu ee ahaan in qiimihiisu uu jabnaado ma
jiro.

Dawladdnimada macnaheeduna waxa weeyi in shacabka cashuur
bixiyeyaasha ah ay helaan addeegyada Caafimaadka, Waxbarashada, Korontada,
Jidadka iyo dhamaanba baahiyaha aasaasiga ah.

Hadii dawladnimada macnaheedu intaa bixin karaynin, ma
samaynayo dhadhan macnaheedu, waxaanu xilweyni ka saaran yahay oo loo baahan
yahay in dawladdu adeeg Laydh ay bixiso oo jaban oo dadku ay bixin karaan, ama
in ganacsatada Laydhka guud ahaan Somaliland ka shida in lala xisaabtamo oo
lagu kor-joogteeyo qiimaha laydhka…” ayuu yidhi Maxamed Sidiiq Dhame,
Xoghayaha Shaqada iyo Arimaha Bulshada ee xisbiga Waddani.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial