Latest News

Xisbiga Xukuma Ethiopia Oo Xubinimadii Guddida Dhexe Ka Saaray 3 Xubnood Oo Wasiirka Gaashaandhigu Ku Jiro

Addis Ababa, August 10, 2020 (Haatuf) – Xisbi ka mid ah
Isbahaysiga xisbiga xukuma dalka Ethiopia ayaa guddida dhexe ka saaray saddex
xubnood oo sarsare, kuwaas oo lagu eedeeyey musuq, iyo inay ku fashilmeen
ilaalinta sirka xisbiga, iyo habsan.

Saddexdan xubnood ayaa wax aka mmid ah Wasiirka Difaaca Lemma
Megersa, Milkessa Midega iyo Teyba Hassen, Madaxweyne ku xigeenka Dawladd
Deegaanka Oromia, kuwaas oo dhamaantoodba laga joojiyey xubintii ay ka ahaayeen
xisbiga qoomiyada Oromada oo ka mid ah xisbiyada isku tagay ee xukuma dalka
Ethiopia.

Lemma ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha
sare ee ku weheliya Raysal Wasaare Abiy Ahmed barnaamij dib-u-habeyn gudaha dalka.
Mudooyinkii u dambeeyey waxaa soo baxayay warar sheegaya inuu ka go’ay howlaha
federaalka, tuhun ka dhashay maqnaashiisa shirkii amniga ee dhowaan uu qabtay
Abiy kadib mudaaharaadyo rabshado wata oo ka dhashay dilkii heesaaga caanka ah
ee Oromada Hatchalu Hundessa.
Talaabadan ay qaadeen ee shaqada xisbiga lagaga
joojiyey Lemma, ayaa idaacadda maxalliga ah ee FANA ay ka soo xigtay Fekadu
Tessema oo ah madaxa xafiiska Oromada ee PP.

Sidoo kale waxa ay wararku sheegayaan in xubinimada
guddida dhexe ee xisbiga laga joojiyey Teyba Hassen, oo hore magaalada Koonfurta-Bari
ee Oramia ku taala ee Shashemene ka soo noqday Maayar.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial