Latest News

Xisbiyada Mucaaridka Somaliland Oo Cambaareeyay Qaraxii Muqdisho Ku Dilay Dadka 100-ka Qof Ku Dhow

Hargeysa, (Haatuf) – Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland ayaa Cambaareeyay Weerar Naxariis-darro ahaa oo Shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu laayey Dad u badnaa Arday.

Weerarka Muqdisho ka dhacay Sabtidii Shalay ayaa lagu dilay Dad gaadhaya 100 Qof, kuwaasi oo intooda badan ahaayeen Arday wax ka baran jiray Jaamacadda Banaadir ee magaalada Muqdish, waxaana ku dhaawacmay Dad kale oo tiro badan.

Guddoomiyeyaasha Xisbiyada WADDANI iyo UCID oo si gaar-gaar ah uga hadlay Weerarkaasi ayaa sheegay inay ka xun yihiin khasaaraha ka dhashay Weerarkaasi.

Guddoomiyaha WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ka hadlay Qaraxaasi ayaa qoraal kooban oo uu Warbaahinta soo gaadhsiiyey ku yidhi “Naxdin iyo tiiraanyo ka weyni ma jirto in la gummaado shacab aan waxba galabsan, ardaydii ahayd ubixii soo kacayey, xoogsato shaqo tag ah, runtii waxa aan si weyn u tacsiyadeynayaa ehelada dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmayba qaraxii bahalnimada iyo ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho. Ilaahay inta dhimatay naxariistiisa janno haka waraabiyo, inta ku dhaawacantayna caafimaad degdeg ah ha siiyo, waxa aan leeyahay dadka reer Muqdisho ee dhibkaasi soo gaadhay, ha is dhiibina walaalayaal..”

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial